U bood dhigaalka

Shacabka Magaalada Boosaaso Oo Aragti Ka Dhiibtay Is Casilaadii Gudoomiyahii Baarlamaanka Puntland

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari, ayaa aragti kala duwan waxa ka dhiibteen Is casilaadii maalin kahor Saciid Xasan Shire oo ahaa gudoomiyahii baarlamaanka Puntland.

Inta badan dadkaan ayaa soo dhaweeyay in gudoomiyaha uu is casilo, isaga oo eegaya sharafta maamulka Puntland, tiisa iyo danta guud ee shacabka.

Waxay ku tilmaameen inuu ahaa geesi ay taariikhda Puntland xusi doonto, islamarkaana ku dayasho mudan.

“Run ahaantii waa guul aad u wanaagsna oo gudoomiyuhu sameeyay, waa arrin taariikkhda baal dahab ah ka geli doonta, muwaadinka saxda ah waa kan u tanaasula danta dadkiisa, dalkiisa iyo shacabkiisa” qaar ka mid ah shacabka Boosaaso ayaa sidaasi yiri.

Sidoo kale dadka qaar ayaa sheegay inay ahayd in gudoomiyuhu aanu tagin, illaa uu ka arko mooshinka laga keenay iyo qaabka codka loogu qaadayo.

Goobjoog News