U bood dhigaalka

Shacabka Magaalada Gaalkacyo Oo Billaabay Dib Usoo Celinta Bilicda Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ayaa billaabay Olole Ballaaran oo dib loogu soo celinayo bilicda degmadaasi, laguna qaadayo dhammaan qashinka hareeyay xaafadaha degmadaasi.

Maamulka dowladda hoose ee Galmudug oo kaashanaya shacabka magaaladaasi ayaa lagu arkayaa iyaga oo xaafadaha magaaladaasi ka wada nadiifinta Gaalkacyo, gaar ahaan dhanka Galmudug.

Mas’uuliyiinta dhanka Faydhowrka ayaa sheegay in Ololahaan nadaafadda ah uu socon doono maalmo badan, illaa magaalada ay noqoto mid nadiifsan.

Shacabka waxa ay qashinka ku gurayaan gaadiidka waaweyn oo maamulka Galmudug, gaar ahaan dowladda hoose ee Gaalkacyo ay keentay, iyadoo la arkayay mas’uuliyiin dhankooda ka qeybqaadanaya nadaafaddaasi.

Xaafaddii ugu horeysay ee Ololahaan nadaafadeed laga fuliyay ayaa ah xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana shacabka magaaladaasi laga dalbay in dhammaantood ay howshaan muhiimka ah ka wada qeybqaataan.

Goobjoog News