U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Aragti Ka Dhiibtay Waqtiga Dowladda u Haray Iyo Shaqooyinka Horyaalla

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka magaalada Muqsdisho ayaa aragti kala duwan waxa ay ka dhiibteen waqtiga u haray dowaldda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale shaqooyinka u haray.

Shacabka qaar oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay qabaan aragti ahaan inay dowladda qaban karto howlaha u dhiman mudada yare e u hartay.

“Dowladda wax waa ay qabatay, sida dhismaha maamul gobaleedyada, isku dhafka ciidamada ee socda iyo arrimo kale, sidaa darteed waxaan qabaa aragti ah in dowladda ay waqtigeedii ka faa’ideysatay inta dhimanna ay dhameystiri doonto” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah shacabka la hadlay Goobjoog News.

Dadka qaar ayaa iyana qaba aragti ah in dowladda aysan waxba qaban marka loo eego waqtigii ay talada haysay, sidoo kalena aysan ka faa’ideysan karin mudada hartay.

“Seddax Sano ayeey dowladaan jirtaa, waxa ay ka bixi weysay oo kaliya is qabqasi iyo mooshin, hadda Sanad baa u haray, wuxuuna ku dhamaan doonaa oo kaliya sida sanadihii tagay oo kale” qof kale ayaa aragtidiisa sidaasi ku dhiibtay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga doonayaa in dalka ay doorasho gaarsiiso sanadka 2016-ka oo hadda waqti yar un uu ka haray, waxaana sidoo kale dowladda horyaalla shaqooyin aad u badan.

Goobjoog News