U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Aragti Ka Dhiibtay Wax Qabadka Baarlamaanka Seddaxdii Sano Ee Lasoo Dhaafay

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta waxa ay ku beegan tahay Seddax Sano guuradii kasoo wareegtay markii la dhaariyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay aragti kala duwan ka dhiibteen wixii uu baarlamaanka qabtay mudadaasi.

Goobjoog News ayaa cod baahiyaha la dhex qaadday shacabka Muqdisho qaarkood, waxaana qof walba uu cabiray aragtidiisa.

Shacabka qaarkood ayaa sheegay in xildhibaanada mudadii ay joogeen ay qabteen shaqooyin badan, inkastoo howshooda ay sheegeen mooshinno inuu u badnaa.

Sidoo kale dadka qaar ayaa qaba aragti ah in xildhibaanada aysan waxba qaban, shacabka Soomaaliyeedna ay waqti badan ka khasaariyeen waa sida ay hadalka u dhigeene.

“Magacaygu Waa Cabdiraxmaan Cali Xasan oo ku sugan degmada Xamarweyne, waxaan is leeyahay shaqo badan ayeey qabteen Baarlamaanka, waxa ay qeyb ka qaataan dhismaha maamul gobaleedyada, waxaana ay meel mariyeen sharciyo aad u badan, waxaana taasi si gaar ah ugu amaanan gudoomiye Jawaari oo dhabarka u xirtay”

“Baarlamaanka waxa uu sameeyay wax badan oo dalka u baahnaa, waxaa hirgalay Federaalkii, waxaana taageersannahay xildhibaanada oo aynu leenahay dadaalkiina badiya” sidaasi qof kale ayaa yiri

Qof kale oo shacabka ka mid ah ayaa isna yiri “Baarlamaanka waxba ma aysan qaban, waxaa weli harsan sharciyo aad u badan iyadoo ay soo dhawdahay 2016-ka, hadana waxaan u maleynaa inay doonayaan waqti kale inay ku darsadaan”

20-kii August 2012-ka ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu dhaariyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan mudanayaal gaarayay 111 xildhibaan, kuwaa oo ka mid ahaa 275-ta mudane.

Goobjoog News