U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho oo aragtidooda ka dhiibtay shirka maanta ka furmay Copenhagen

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay shirka maanta ka furmay magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, kaa oo looga hadlayo hiigsiga 2016.

Qaar ka mid ah shacabka ayaa sheegay in marnaba aan wax natiijo ah laga fileyn shirkaasi, iyaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed aysan faa’ido ugu jirin shirka maanta furmay.

Dadkaan oo qaarkood siyaasiin ay ku jiraan ayaa waxay sheegeen in shirkaan muhiimad gaar ah uu u leeyahay shacabka Soomaaliyeed, una muuqda mid madaxda dalka lagu cadaadinaayo in dadka Soomaaliyeed ay wax badan u qabtaan.

Maanta waxaa magaalada Copenhagen ka furmay shir looga hadlayo hiigsiga 2016, waxaana shirkaan uu socon doonaa muddo Laba Maalin ah, iyadoo arimo badan diiradda lagu saari doono.

Halkaan hoose ka dhageyso aragtrida shacabka Muqdisho.

Goobjoog News.