U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Dalbaday In Biyaha Laga Saaro Waddooyinka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka dalbaday maamulka gobolka Banaadir iney biyaha ka saaraan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada, sidoo kalena la dhiso kuwa roobka uu burburiyo.

Qaar ka mid ah shacabkan ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu ka gaabiyey howshii loo igmaday, islamarkaana laga doonayey uu ka jiiftay waa sidey hadalka u dhigeenne.

Qof ka mid ah dadka la hadlay Goobjoog ayaa yiri “Gobolka Banaadir waajibkiisu wuxuu ahaa inuu la socdo waxy dadka u baahan yihiin, bal dib u eega waddooyinka magaalada waa qaar ciid ay xirtay, qaar burburay iyo kuwo biyo laga mari la yahay, aaway mas’uuliyaddii gobolka”

Roobabkii ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa saameeyey isku socodkii gaadiidka, kadib markii ay biyo fariisteen waddooyin dhowr ah, kuwo kalena ay burbureen.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News