U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Ka Aragti Dhiibtay Doorasho Dalka Ka Dhacda Sanadka 2016

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa rajo xumo ka muujiyay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2016-ka.

Dadkaan qaarkood oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in madaxdiiba ay cadeeyeen in aysan doorasho dhici karin, balse taasi ay aad uga xumaadeen.

Waxay sheegeen dadkaan in ay ku haminayeen in codkooda madaxda kusoo doortaan, balse waxay sheegeen in hadii dadaal badan hadda dowladda sameyso la qaban karo doorashadaasi.

“Hadii dadaal ay sameyso dowladda, lala tashto Odayaasha, aqoonyahanada iyo shacabka intiisa kale xaqiiqdii waxaan u maleynayaa in laga gaari karo oo doorasho ay dhici doonto 2016” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka aragtida dhiibtay.

Qof kale ayaa yiri “Hadii aan nahay Shacabka Soomaaliyeed, wax rajo ah kama qabin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, xitaa waxaan aaminsannahay in doorashadaan ay u dhici doonto hanaankii wax loo dooran jiray oo kaliya”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka aysan dalka ka dhici karin sanadka 2016-ka doorasho qof iyo cod ah, balse laga fikiri doono nooca ay noqoneyso doorashada dhaceyso.

Goobjoog News