U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Ka Aragti Dhiibtay Magacaabista Taliyeyaasha Ciidamada NISA, Booliiska Iyo Asluubta

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa ka aragti dhiibtey taliyeyaasha cusub ee loo magacaabay Booliiska, NISA iyo sidoo kale Asluubta.

Waxay shacabkan qaarkood sheegeen iney soo dhoweynayaan shaqsiyaadka cusub ee loo soo magacaabay, waxaana ay tilmaameen in ay isbedal badan keeni karaan.

Sidoo kale, waxay tilmaameen in Taliyeyaasha cusub ay ka rajeynayaan iney kasoo dhalaalaan waajibaadkooda, dardarna geliyaan howsha qaranka.

“Shaqadu wey fadhiday, waxaan ka fileynaa iney buuxiyaan  kaalintii ka maqneyd, waa rag xirfad leh oo isbedal keeni kara” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah shacabka Muqdisho oo la hadlay Goobjoog News.

Golaha wasiirada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku magacaabay Taliyeyaasha ciidamada NISA, Asluubta iyo sidoo kale Booliiska.

Goobjoog News