U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Madaxweyne Farmaajo Ku Taageeray Go’aanka uu Ka Qaatay Khilaafka Sacuudiga Iyo Qatar

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid dadweynaha Muqdishu ayaa Goobjoog News uga waramay sida ay u arkaan go’aanka dowladda federaalka ah ay dhex-dhexaad uga noqotay xiisadda Sacuudiga iyo Qatar.

Dadkan oo isugu jiray dhalinyaro, odoyaal iyo ganacsato ayaa taageeray go’aanka dowladda Soomaaliya iyaga oo qaarkood ku tilmaamay mid geesinnimo leh.

Xirsi Daahir Colaad  ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku taageerayo go’aankiisa

“ Arinta Khaliijka  madaxweynaha Soomaaliya go’aanka uu ka gaaray  waan ku taageersannhay,  waa arin sax ah waana wax dhici kara umadda dadka walaalaha ah hadey is qabtaan waa la dhexdhexaadiyaa waa la heshiisiiyaa go’aanka uu qaatay madaxweynaha waan ruucsannahy”.

Cabdi Sheikh Axmed ayaa waxaa uu qabaa aragti middaasi u dhaw isaga oo sheegay“ Waxaan taageersanahay  dowladda dhexe ee Soomaaliya codka ka soo baxay oo ay ku tiri dowladaha carabta khilaafka ka dhaxeeya gaar ahaan Khaliijka dhexdhexaad ayaan kanahay  arintaasi waan taageersanahay “.

Abshir Maxamed Xasan oo isna la hadlay Goobjoog News waxaa uu yiri“ Go’aanka ka soo baxay madaxweynaha waan taageersannahay dhexdhexaadnimada ay dowladda ay ka qaadatay arimaha ka taagan Khaliijka,  waana ku taageereynaa dowladda Soomaaliya”.

Cabdullaahi Daahir ayaa tilaabadaas ku tilmaamay mid geesinnimo leh “ Waxa aan aad u soo dhaweynaa arinta madaxweynaha go’aanka dhexdhexaadnimada leh oo uu qaatay aniga aad ayaan u soo dhaweynaa geesinimada uu qaatay madaxweynaha”

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aan dhex-dhexaadnimo ah ka istaagtay khilaafka Sacuudiga iyo Qatar, arrintaas oo shacabka iyo dowladda isku aragti ka noqdeen.

Goobjoog News