U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Oo Su’aal Geliyey Lacagaha Laga Doonayo Musharraxiinta Madaxtinimo Ee Dalka

Sheeko:Dalka

Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa aragti kala duwan waxa ay ka dhiibteen sida ay u arkaan lacagaha laga doonayo musharraxiinta u tartamaya xilalka madaxweynaha, guddoomiyeyaasha Labada aqal ee baarlamaanka iyo ku xigeennadooda.

Dadkan oo la hadlay Goobjoog News ayaa qaarkood waxay soo dhoweeyeen lacagahan la qaadayo halka qaarna ay sheegeen in lacagtu badan tahay, ayna wanaagsan tahay in intaasi laga dhimo.

“Anigu ma qabo lacagaha badan in lagu xujeeyo musharraxiinta, waxaan u arkaa iney tahay mid badan, loona baahan yahay in dib loogu laabto oo intaasi laga yareeyo” sidaasi waxaa Goobjoog News u sheegay mid kamid ah shacabka Muqdisho.

Dadka qaba aragtida ah in sax ay tahay in lacagaha lagu soo rogey musharraxiinta ayaa waxay ku sheegeen in taasi ay yareen doonto haddii ay jiraan musharraxiin aaanu is soo sharaxooda daacad ka ahayn.

Musharraxiinta guddoomiyeyaasha Labada aqal ayaa laga doonayaa iney bixiyaan lacag dhan 15 kun oo doolar, taasi oo aan dib loogu celin doonin, halka ku xigeennadoodana laga doonayo 10 kun oo doolar.

Mudanayaasha u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya ee Afarta Sano soo socota ayaa iyaguna laga doonayaa iney bixiyaan lacag dhan qof kiiba 30 kun oo doolarka Maraykanka ah.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka fariisan doona waxa laga yeelayo qarashaadka lagu soo rogey musharraxiinta madaxtinimo ee dalka, iyadoo laga yaabo in  wax ka bedal lagu sameeyo.

Goobjoog News