U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Qaarkood Oo Aragti Kala Duwan Ka Dhiibtay Isku Dhaf Lagu Sameeyo Ciidamada dowladda

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa aragti kala duwan waxa ay ka dhiibteen arinta ku aadan in la sameeyo ciidamo isku dhaf ah oo dowladda Federaalka hoostaga.

Wariyaheena Cabdiwahaab Maxamed Ibraahim oo codbaahiyaha Goobjoog la dhex qaaday qaar ka mid ah shacabkaan ayaa waxa ay dhiibteen aragtiyo aan isku mid ahayn.

Dadkaan qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in xilligaan aanay macquul noqon karin helista ciidamo isku dhaf ah, sababo ay ku sheegeen marxaladda dalka oo weli sal fadhida lahayn.

Waxa ay tilmaameen hadii la helo maamulo ciidankoodu toosan yahay, islamarkaana wadanka oo dhan ay dowladda wada qabato macquul ay tahay in la helo ciidan, balse sida xaaladda tahay aysan macquul ku noqon doonin.

Dhinaca kale dadka qaar oo Goobjoog la hadlay ayaa sheegay in hadda ciidamada xooga dalka ee jooga aysan haysan mushaar ku filan oo qaarkood bilo badan lacag la siin, sidaa darteedna aanba la heli karin ciidamo isku dhafan waa sida ay hadalka u dhigeen.

Aragti dadka oo kala duwaneyd ayaa dadka qaarkood waxay sheegeen in hadii dowladda dadaalka ay hadda wado sii xoojiso ay macquul tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu heli ciidamo isku dhaf ah.

Goobjoog News