U bood dhigaalka

Shacabka Muqdisho Qaarkood Oo Dowladda Federaalka Ugu Baaqay u Gurmashada Soomaalida Ku Dhibban Yemen

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho qaarkood ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ah in ay degdeg ugu gurmato shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen, islamarkaana ay fuliso balanqaadkeedii ku aadanaa soo badbaadinta dadkaasi.

Qaar ka mid ah shacabkaan oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ugu horeen ay ka xunyihiin dhibaatada dadka Soomaaliyeed ku haysato Yemen, waxaana dhinaca kale ay sheegeen in dowladda aysan weli kasoo bixin balantii ay qaaday.

“Dowladda in weli aysan balanteeda kasoo bixin waan ka xunnahay, sababtoo ah iyada ayaa dadkaasi mas’uul ka ah, waana in ay dadka badbaadisaa” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah shacabka Muqdisho ku sugan oo Goobjoog News u waramay.

Dadkaan ayaa ka mideysnaa aragti baaq ah oo ay u dirayeen dowladda Soomaaliya, taasi oo ku aadan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u muujiso ficil si ay dadka ku dhibban Yemen usoo badbaadiso.

Yemen oo dagaallo ay ka socdaan waxaa ku sugan muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaa oo qaarkood aan haysan wax ay dalka kusoo aadaan.

Goobjoog News