U bood dhigaalka

Shacabka Muqdishu Ayaa Aragti Duwan Ka Bixiyay Dhismaha Stadium Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha
Goobjoog ayaa booqtay garoonka Stadium Muqdisho oo ay Dowladda ku samaysay dib u hagaajin ,tan iyo kolkii ay iskaga goorayn ciidamada nabad ilaalinta Amisom 27 August 2018 waxaana mahsruucan dib u dayctirka garoonka Dowladda ka taageeray midowga yurub.
Qaar ka mid ah shacabka Muqdishu oo aan la kulanay ayaa ku aragti ku duwan howlaha dib  u quruxinta ee lagu sameeyay Stadium Muqdishu,iyagoo Goobjoog u sheegay in xooga la saaro ku qabshada tartamada gudaha iyo dibadda,si looga baxo guul darooyinka Xulalka kala duwan ee Soomaaliya.

Wasaarada ciyaaraha Dowladda iyo xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa kaliya xoog saaraysa dhismaha qeybta kubbadda cagta,iyadoo bahda isboortiga ay wasiirka ciyaaraha ku dhaliilayn in uu ka gaabiyay dib u qurxinta qeybaha kolayga,oradka,bootinta & dabaasha.

Xuseen otte dheer oo ka mid laacibiintii horay kubadda kolayga Soomaaliya ayaa Goobjoog u sheegay in Stadium Muqdishu uusan aheyn qeybta kubbadda cagta oo kaliya,balse ay Wasaarada ciyaaraha Dowladda ka gaabisay qeybaha kale oo ka koobanyahay garoonka.


Sida la qorshaynayo bilaha soo socda ayaa lagu wadaa  in xariga laga jaro qeybta kubadda cagta ee Stadium Muqdisho waxaana dad badan ay u arkaan in uu ku soo aaday xili muhiim ah ,maadama Xulka kubada cagta uu guri ahaan ugu dheelo Wadanka Jabuuti.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Aragtida Shacabka Muqdisho Ee Dhismaha Garoonka

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/187045009308828/