Shacabka Soomaaliyeed Oo Baaq Loo Diray

Aqoonyahan Cabdiraxmaan Cabdullaahi Daqarre ayaa umadda Soomaaliyeed u jeediyay ka qeyb qaadashada barnaamijka Gurmad iyo Gargaar oo lagu soo celinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka Yemen iyo Kenya.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in hal meel looga soo wada jeesto u gurmashada dadka Soomaaliyeed oo ku dhexjira colaadaha ka jira wadanka Yemen.

Dadka hadda dalka ka maqan ee Qaxootiga ku ah dalalka Yemen iyo Kenya ayuu sheegay in ay yihiin kuwa aqoon badan leh, islamarkaana ayba ka qeybqaadan karaan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

“Waxaan dhihi karaa waa maskax cusub, aqoon bay leeyihiin, waxay ka qeybqaadan karaan dib u dhiska dalka” ayuu yiri Daqarre.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku dhiban dalalka Yemen iyo Kenya, waxaana dadkaasi ay u baahanyihiin gurmad ay ka helaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Goobjoog News

Related Articles

16 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW