U bood dhigaalka

Shacabka Soomaaliyeed Oo Loogu Baaqay u Gurmashada Dadka Kasoo Cararaya Yemen

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah waxgaradka Muqdisho ku nool ayaa ku baaqay  in loo midoobo kaalmeynta dadka Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya wadanka Yemen.

Nabadoon Maxamed Ismaaciil oo saaka la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in loo baahan yahay in gacan beni’aadanimo loo fidiyo qoysaska qaxootiga ku ahaa Yemen ee dib ugu soo laabtay wadanka Hooyo Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in si fudud loo caawin karo isla markaana ay muhiim tahay in dadka shacabka ah iyo dowladdu ay iska kaashadaan arrintaasi.

“Shacabkeena ku dhibban Yemen iyo kuwa hadda dalka kusoo wajahan anaga ayaa garab u ah waa In shacabka iyo dowladda ay gurmadaan dadkaasi”

Yemen waxaa ka socda dagaallo, waxaana dagaalladaasi ay saameyn ku yeesheen dad aad u badan, waxaana dadkaasi ku jira muwaadiniin Soomaaliyeed.

Goobjoog News