U bood dhigaalka

Shacabka Wadanka Myanmar Oo Maanta u Dareeray Doorashada Baarlamaaniga Ee Dalkaasi

Sheeko:Dalka

Shacabka Myanmar ayaa maanta u dareeray doorashadda Baarlamaniga ah, taas oo markii ugu horeysay taariikhda dalkaa si furan loogu loolamayo mudo 25 sano ah.

Haddii xisbiga Militarigu uu taageero ee talada haya uu lumiyo awoodda waxaa la filayaa in xisbiga mucaaradka oo ay hogaamiso haweeneyda dimuquraadiya doonka ah Aung San Suu Kyi,  In uu si fudud xilka ula wareego taas oo durba la saadaaliyey.

Xilli laga cabsanayo wax si daba marin dhanka codka ah ayaa ku dhawaad 30 milyan oo ruux codadkooda ka dhiibanayaan doorashada dhaceysa maanta oo Axad ah.

Waxana doorashadu u loolamaya dad gaaraya 6,065 oo ah murashaxiin raadinaya ku raasta Labada Aqal ee Baarlamanka iyo kan gobolada.

Waxaana saaka sameysmay safaf dhaadheer oo ay dadku u galayaan dhiibashada codadkooda.

Magaladda Yangon ee dalka Myanmar ayey doorashaddu ka furantay saaka oo Axad ah, waxaana loo arkaa doorashadani in ay tahay mi aad xasaasi u ah xilligan.

Ilaa iyo hadda lama soo warin wax qalalaasya ah oo ka dhacay meelaha doorashadu ay ka dhaceyso maanta, waxasna gabi ahaan la joojiyey ololahii doorashadda oo dalkaas sanadkan aad looga dareemay.

Shacabka Myanmar ayaa aad ugu niyadsan in doorashadani ay ku dhacdo si xor ah oo xaal ah, iyadoo hugaamiyaha mucaaradka Aung San Suu Kyi.  Ay shacabka dalkaa ugu baaqday in ay doorashadda si wanaagsan ugu soo baxaan si loogu hiiliyo Dimuquraadiyadda iyo cadaaladda.

Goobjoog News