U bood dhigaalka

Shacabka Xudur oo bilaabay abaabul ka dhan ah Ururka Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan degmada Xudur ee gobalka Bakool, ayaa bilaabay abaabul hubaysan oo ka dhan ah ururka alshabaab.

Shacabka ayaa sheegay in ay doonayaan in ay qayb ka noqdaan hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Haween, Dhalinyaro iyo wayeel ayaa ka soo muuqday gudaha magaalada kuwaas oo ku hubaysan hubka, waxaana ay sheegeen in ay degmada Xudur iyo deegaannada hoostaga ay doonayaan in Al-shabaab ka xureeyaan.

Goobjoog News