U bood dhigaalka

Shacabkii Ku Dhaawacmay Dagaalkii Halgan Oo La Geeyay Isbitaalka B/weyne

Sheeko:Dalka

In ka badan 10 qof oo shacab ah ku dhaawacmay dagaal shalay ciidanka dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ku dhexmaray deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan kuwaasi oo la geeyay Isbitaalka weyn ee magaalada Baladweyne.

Waxaa laga deyrinayaa xaaladda caafimaad qaar ka mid ah dhaawacyadaasi, iyadoo lasoo sheegayo in dadka qaarkood ay xaalad adag hayso.

Saraakiil dhanka caafimaadka ah kuna sugan Isbitaalka Baladweyne ayaa sheegay in ay jiraan dad xaaladoodu aad u daran tahay, waxna looga qaban karin isbitaalkaasi.

Waxaa jiray dad wadada kusoo dhintay oo dhaawac ahaan looga soo qaaday deegaanka Halgan balse dib loogu celiyey deegaankaasi.

Dadkan ayaa waxyeellada soo gaartay kadib markii rasaas habow ah ay guryahooda ugu tagtay.

Goobjoog News