U bood dhigaalka

Shafiir Kheekh: NISA Hormuud Ayey u Noqotay Cabsi Galin Madaxda Qaranka

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore dowladdii kumeel gaarka aheyd ee  Soomaliya  Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa si kulul uga hadlay digniin kasoo baxday hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka ee NISA , taas oo ku wajahneyd madaxda sare ee dalka, waxaana uu ku tilmaamay nasiib darro, isaga oo digniin u diray Farmaajo iyo hey’adaha amniga.

“Waxaa nasiib darro weyn ah in digniinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka”. ayuu kuri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka madaxweyne Shariif Sheekh.

Waxaana qoraalkii xalay kasoo baxay NISA uu ku tilmaamay cabsi galin lagu haayo madaxda qaranka, isaga oo ayaan darro ku tilmaamay in uu jiro ismilan hey’adda amniga qaranka iyo kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

“Waa ayaan darro aad uweyn in hey’adii loo igmadey Amniga Qaranka dalka in ay dacaayad u sameeyneyso kooxaha argagixisada hormuudna u noqotey cabsigelinta madaxda qaranka, waxay calaamad weyn u tahay digniino muddo la bixinaynay oo ah isku milanka hay’adda Nabadsugidda qaranka iyo kooxda Argagixisada taasoo ka dhalatay siyaasadeynta qaybaha kala duwan ee ciidanka amniga Qaran” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Dhanka kale waxaa uu baaq u diray Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo golihiisa wasiirrada, isaga oo ugu baaqay in ay qaataan mas’uuliyaddooda amniga ayna ka hortagaan waxwaliba oo khalkhal amni abuuri kara.

“Waxaan ugu baaqayaa Raysul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  iyo Golahiisa wasiiradda in ay qaataan masuuliyadooda ku aadan arrimaha Amniga Dalka kana hortagaan wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed” ayuu sidoo kale sii raacsiiyey qoraalkiisa Shariif Sheekh Axmed.
Goobjoog News