U bood dhigaalka

Shah Rukh Khan Oo Lagu Xiray Mareykanka

Sheeko:Dalka

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Los Angeles International Airport lagu xiray Jilaaga caanka ah ee dalka India  Shah Rukh Khan.

Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka India ayaa ka bixiyay raaligelin xariga jilaaga  isagoo baln-qaaday in arrinkaas aanu mar kale dhici doonin.

Ma aha markii ugu horeysay ee Khan lagu xiro Mareykanka, sanadkii 2012-dii, ilaa 90 daqiiqo ayuu ku xirnaa White Plains airport oo u dhaw New York.

2009-kii xitaa labo ayaa su’aalo lagu weydiinayey  Newark airport, waa la sii daayey markii safiirka dalkaa India uu soo faragishtay.

Shah Rukh marar horay loo weydiiyo sababta loo xiro, waxaa uu u aaneeyay magaciisa iyo diinta, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in ay arrinkas uu soo laablaabtay.