U bood dhigaalka

Shahaado Bixinta Musharixiinta Aqalka Sare Hirshabeelle Oo Maanta La Soo Gaba Gabeynayo

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu soo gaba gabeynaya diiwaan gelinta iyo shahaado siinta musharixiinta Aqalka Sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Arbacadii soo gudbiyay liiska 8-kursi ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle uu ku leeyahay Aqalka Sare.

Musharixiintaan ayaa kor u dhaafayo 30-musharax kuwaas oo kuraasta qaar ay ku tartami doonaan illa 5-musharax.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa khamiisti bilaabay bixinta shahaadooyinka Musharixiinta, iyadoo maanta oo sabti ah la soo gaba gabeynayo shahaado siinta Musharixiinta.

Jadwalka doorashada ayaa lagu sheegay sidoo kale in Axadda beri ah ay musharixiinta ay jeedin doonaan khudbadahooda Musharaxnimo.

Maalmaha Isniinta iyo Arbacada ee todobaadkaan ayaa doorashooyinka kuraastan lagu qabanaya magaalada Jowhar.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ah maamulki ugu dambeyay ee si rasmi ah u guda gala doorashooyinka Aqalka sare ee dalka, isagoo sidoo kale maamulka noqonaya maamulki seddaxaad ee soo dhameysitira Musharixiintiisa kadib maamulada Puntland iyo Koonfur galbeed.

Goobjoog News