U bood dhigaalka

Shan Ka Mid Ah Kuraasta Golaha Shacabka Galmudug Oo La Shaaciyay

Sheeko:Amniga

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shaaciyay shan kursi oo ka kamid ah kuraasta golaha shacabka kuwaas oo maalmaha soo socda doorashadooda la qaban doono.

Kuraastaa shaaciyay ayaa kala ah, HOP#043, HOP#054, HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026, kuwaas oo dhamaantoda hadda y ku fadhiyaan xildhibaano ka tirsan Baarlamanka 10-aad ee waqtigooda dhamaaday.

Liiska Kuraastan la shaaciyay ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lagu doorto deegaan doorashadoo.

Galmudug ayaa noqonaya maamulki labaad ee shaaciya kuraas ka tirsan golaha shacabka doorashadooda kadib bartamihii todobaadkan markii ay guddiga hirgelinta doorashada gobalada waqooyi oo shaaciyay liiska sagaal ka mid ah kuraastooda.