U bood dhigaalka

Shan Kursi Oo Maanta Lagu Dooranayo Baydhabo

Sheeko:Amniga

Magaaalada baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa lagu wada in ay ka dhacdo doorashada shan kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta maanta doorashadooda Baydhabo ay ka dhaceyso ayaa horay waxaa u shaaciyay guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka Koonfur galbeed.

Kuraasta la doranayo ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu uu yahay HOP#184, HOP#085, HOP#046, HOP#156 iyo HOP#176.

Goobjoog Nws