U bood dhigaalka

Shan Qof Oo Ku Dhaawacantay Dagaal Xalay Ka Dhacay Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal habeenkii xalay ahaa magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose ku dhex maray Maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, kaasi oo sababay khasaare dhaawac u badan.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalkaasi Maxamed Cabdi Xasan ayaa soo sheegaya in dagaalkii xalay ay ku dhaawacmeen 5 qof oo shacab ah, ka dib markii rasaasta ay guryahooda ugu tagtay.

Dagaalkii xalay ayaa daba socda dagaallo Seddaxdii maalin ee lasoo dhaafay ka socday magaaladaasi.

Xaaladda saaka waa ay deggan tahay, inkastoo shacabka ay ka baqanayaan in mar kale la dagaallamo.

Dadkii ugu badnaa ayaa ka barakacay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Marka, waxaana dadka ay u barakaceen deegaanada ku dhaw magaaladaasi.

Maamulka gobalka Shabellaha Hoose oo aynu xiriir la sameynay waxay sheegeen inay ku howlan yihiin sidii lagu xallin lahaa dagaalada magaalada Marka.

Marka ayaa bilihii ugu dambeeyay sidaan oo kale u marti gelisay dagaallo sokeeye oo dhiig shacab ah ku daatay.

Goobjoog News