U bood dhigaalka

Shan Ruux Oo Cudurka Shuban Biyoodka Ugu Geeriyootay Degmada Buurdhuubo Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Cudurka Shuban biyoodka ayaa faro ba’an ku haya deegaanno ka mid ah Jubbaland, waxaana wararka ka imaanaya degmada Buurdhuubo ee Gedo sheegayaan in cudurkaasi ay u dhinteen Shan qof.

Dadka dhintay oo Carruur u badan ayaa la sheegay in uu hayey cudurkaan wax ka yar 48-saacadood.

Guddiga caafimaadka maamulka Jubbaland ayaa sheegay in deegaanno badan uu cudurkaan ka jiro, sidoo kale deegaanno ka mid ah gobollada Jubbooyinka uu dad badan ku haleelay cudurkaasi.

Shire Cabdi Maxamed oo ka mid ah xubnaha guddigan ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay wadaan dadaallo lagu xakameynayo faafidda cudurkan.

Waxa uu tilmaamay Shir in ay kulamo la qaadan soonaan madaxda hay’adahaaa samafalka si loo xakameeyo in cudurka deegaanno kale gaaro.

Goobjoog News