U bood dhigaalka

Shaqaalaha Dowladda oo Maanta La Siiyey Mushaarkoodii Ka Maqnaa

Sheeko:Dalka

Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS Maxamud Xayir Ibraahim iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) ayaa booqday Bangiga Dhexe  oo maanta ay ka socotay bixinta mushaaraadkii shaqaalaha dowladda, waxayna kormeer ku soo sameeyeen qaaybaha kala duwan ee Bangiga.

Shaqaalaha dowladda ayaa safaf dhaadheer ugu jiray qaadashada mushaarka, si ay ula ciidaan qoysaskooda, waxaana dowladu dadaal ugu jirtaa sidii hada kadib shaqaalaha dowladda mushaarkoodu joogta u noqon lahaa.

“Runtii xanuun weyn ayeey nagu haysay in shaqaalaha dowladu aysan mushaar qaadan 4-tii bilood ee u danbaysay, waana mid aan la qaybsanayno shaqaalaha iyo qoysaskooda. Waxaana arinkaan sababay Miisaaniyadii la qoondeeyey 49% oo laga sugayey dibadda ayaan soo xaroon, waxaana dowladu ku khasbanaatay in loo beekhaamiyo dhaqaalaha  soo xarooda adkaynta amniga iyo tasiilaadka ciidamada kala duwan ee qalabka sida. ayuu yiri Wasiir Xayir oo dhanka kale xusay in dakhliga guduhu kordhay, balse taa macnaheedu maahan in ay dabooli karto baahiya jira.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatada kale oo soo wajahday in mushaaraadka dib u dhacaan ay sabab u tahay Bangiga Aduunka oo kabi jiray mushaaradka in laga soo biloobo bishii March uu dib u dhac ku yimid kadib markii uu dhamaaday heshiiskii halka sano ahaa.

“Nasiib wanaag waxaan ku guulaysanay bishaan bilowgeeda in aan la saxiixano heshiis kale oo 5 sano ah Bangiga Aduunka, kaas oo lagu kabayo musaaraadka shaqaalaha rayidka ah, Dowladdu waxay dadaal u gashay in mushaaradku aysan hada ka dib kal go’ayn, lana bixinayo dhamaan bilihii la soo dhaafay mushaaradka shaqaalaha rayidka ah ka maqan. Waxaana isku dayaynaa in bishaan gudaheeda aan bixino labo bilood oo kala ah March iyo Aprilayuu yiri Wasiir Xayir

Uga danbayntii Xisaabiyaha guud ee qaranka ayaa u mahadceliyey shaqaalaha dowladda adkaysiga ay muujiyeen iyo sida ay ugu dhabar adeeygeen dhibaatooyinka mushaar la’aaneed ee soo wajahay. wuxuuna sidoo kale sheegay in mushaaraadka ciidamda dhakhso loo bilaabi doono.

Goobjoog News