U bood dhigaalka

Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir oo gunno dhimis lagu sameeyay

Sheeko:War

maamulka gobolka Banaadir

Maamulka gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay go’aamiyay in isbedal uu ku sameynayo gunnooyinka ay qaataan hawlwadeenada maamulka gobolka Banadir.

Gunno dhimistan oo socon doonta muddo lix bilood ah ayaa lagu wadaa in lacagta ka soo xaroota dib loogu dhisi doono xarunta dowladda hoose ee Muqdisho iyo xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in gunno dhimis lagu sameeyo dhamaan shaqaalaha maamulka gobolka Banadir iyo dowladda hoose, kaas oo noqonaya 30%, 20%, 10% iyo 5%; iyadoo loo racaayo habkan kala sareynta gunnooyinka ay shaqaaluhu qaataan.

Kulankan uu shir guddoominayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo nadaafadda.

Shirka  ayaa sidoo kale looga hadlay sare u qaadidda nadaafada iyo bilicda, iyadoo maamulka gobolka Banaadir uu dhawaan hawl galiyay 12  shirkadood oo ka shaqeeya nadaafada oo gaar loo leeyahay, kuwaasi oo loo xilsaaray inay ka hawl galaan 17 ka degmo ee gobolka Banaadir.

Waxaa kulankan ka qeyb galay dhammaan mas’uuliyiinta maamulka iyo guddoomiyeyaasha iyo degmoyinka gobolka Banaadir , waxa ayna isku raaceen muhiimada ay leedahay in la adkeeyo ammaanka inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa ka hadlay nadaafadda Muqdisho, isagoo ku booriyay guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir inay xoogga saaraan sidii kor loogu qaadi lahaa nadaafada iyo bilicda caasimadda.

Dowladda hoose ee Xamar ayaa dhawaan bilowday olole ballaaran oo dib loogu dhisayo xarumihii dowladda hoose iyo kaabayaasha dhaqaalaha guud ee dalka.

Wararka Goobjoog news