U bood dhigaalka

Shaqaalaha Wasaaradaha Maamulka Puntland oo Dhigey Banaanbaxyo Cabasho ah

Sheeko:Dalka

GarooweShaqaalaha wasaaradaha maamulka Puntland oo ay ka midyihiin agaasime waaxeedyo ayaa maanta banaanbax cabasho ah ka dhigey barxad ku taala Garoowe, iyaga oo ka cabanaya qorshe cusub oo uu maamulka la yimid, kaasi oo qeexaya in imtixaam laga qaado shaqaalaha shaqeynaya, kadibna la kala hufo.

Banaanbaxayaasha oo ku qeylinayay “Dooni Meyno Imtixaam” ayaa sheegey in iyaga oo xuquuqdii ay maamulka ku lahaayeen kaba waayay, islamarkaasina aanan helin mushaarkoodii ay nasiib darro tahay in hadane shaqooyinkooda lasoo farogaliyo.

Waxa ay tilmaameen in dhamaan madaxda, sida wasiirada aysan iyaga ku imanin imtixaam, haddii imtixaam la qaadanayana ay kor kasoo bilaabato arrinta.

Laakiin wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Puntland ayaa sheegey in banaanbaxa uu yahay mid sharci daro ah, ciddii soo abaabusheyna ay ka jawaabi doonto.

Waxa uu sheegey in la sameeyey gudi qubaro ah oo imtixaam ka qaada shaqaalaha muhiimka ah ee wasaaradaha si look ala xulo dadka shaqada u qalma iyo kuwa aanan u qalmin, ujeedkuna uu yahay in shaqo wanaagsan laga qabto maamulka.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in shaqaalaha aysan jirin cid la ceyrinayo, kaliyana ujeedka uu yahay in wax qaldan la soxo, wuxuu intaasi ku daray in shaqaalaha geeriyoodey carruurtii ay ka tageen maamulka uu siinayo mushaarkooda bil kasta.

Qaar ka mid ah agaasime waaxeedyadii wasaaradaha qaar ayaa shaqadoodii ku waayay imtixaam loo galay shaqada, waxaana socda isbadal guud oo lagu sameynayo wasaaradaha iyo shaqaalaha.

Dhageyso

Goobjoog News