U bood dhigaalka

Shaqaale u Shaqeynayey Hay’ad Samafal Oo Lagu Qafaashay Gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in rag loo maleynayo inay ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay qafaasheen Seddax qof oo u shaqeynayeyey hay’ad Samafal ah oo ka howlgasho gobolkaasi.

Seddaxdaan shaqaalaha ee la qafaashay waxaa la socday darwalkoodii, waxaana laga qafaashay deegaan lagu magacaabo Siidamo oo qiyaastii dhanka galbeed kaga beegan degmada Baardheere 55 Km.

Illaa iyo haatan lama oga ulajeedka Al-shabaab ay u qafaasheen shaqaalahan, sidoo kalena weli lama xaqiijin magaca hay’adda ay dadkani u shaqeynayeen.

December 27 2015 ayaa xarakada Al-shabaab waxay sidaan oo kale u qafaasheen Seddax shaqaale iyo darawalkoodii kuwaa oo u shaqeynayey urur samafal wadani ah oo lagu magacaabayey HIRDA inkastoo maalmo kadib shaqaalahaasi lasii daayey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News