U bood dhigaalka

Shaqaaqo dhimasho sababtay oo mar kale ka dhacday Cabuudwaaq

Sheeko:War

Wax garadka Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Beelihii waan waanta laga dhex waday ay sii kala Fogeyneyso Shaqaaqo Maanta ka dhacday Degmada Cabuudwaaq.

Odayaasha oo kulan dag dag ku yeeshay Dagmada Cabuudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa tilmaamay in falkii uu askariga ku dhintay, midka kalena uu ku dhaawacmay uu yahay mid sii kala fogeynaya Beelihii dhex dhexaadinta laga dhex waday ee Horay ugu dagaalamay Gudaha Dagmadaasi

Dhanka kale, Maamulka Degmada Cabuudwaaq ayaa iska fogeeyay Mas’uuliyadda khasaarihii ka dhashay Rasaas ay Maanta dagmadaasi isku weydaarsadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusunna waljamaaca.

Wararka ka imaanaya degmadaasi ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Dowladda ee dagmadaasi ay weerar ku qaadeen goob la sheegay inay rag burcad ah ku sugnaayeen, halkaasi oo ay kula kulmeen ciidamada Ahlusunna oo la kala dhex dhigay Maleeshiyaadka beelihii dhawaan ku dagaalamay halkaasi.

Khaliif Cabdi Samad Cali oo ah Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha Bulshada ee Maamulka Degmadaasi ayaa sheegay in Boolisku ay baadi goobayeen rag burcad ah, isla markaasina ay is hortaag ku sameeyeen Ciidamada Ahlusunna halkaasina uu ku dhintay hal askari mid kalena uu ku dhaawacmay.