U bood dhigaalka

Shaqo Joojin Lagu Sameeyay 18 Garsoore

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa waxa uu soo saaray wareegto uu shaqada uga joojinayo 18 garsoore oo ka howlgalayey maxkamadaha gobolka Banaadir iyo degmooyinka hoos yimaada.

Sida wareegtada ku cad waxaa xubnaha shaqada laga joojiyey kamid ah:

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Saddex garsoore oo ka howlgala maxkamadda gobolka Banaadir, Saddex garsoore oo ka tirsanaa maxkamadda racfaanka, guddoomiyeyaasha maxkamadaha degmooyinka X/jajab, C/casiis , Shangaano, Yaaqshiid, Dharkeenley, X/weyne, Dayniile iyo Afar Garoosre oo ka tirsanaa maxkamadaha degmooyinka X/jajab, Dayniile, Yaaqshiid iyo Dharkeenley.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u sheegay in isbedal la taaban karo ku sameyn doono garsoorka dalka, si bulshadu u hesho cadaalad.

Goobjoog News