U bood dhigaalka

Shaqo Joojin Lagu Sameeyay Saraakiil Ka Tirsan NISA

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shaqo joojin lagu sameeyay saraakiil kasoo muuqatay muuqaal la sheegay in lagu jirdilayo maxbuus la sheegay inuu ku xiranaa xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaraddaasi C/kaamil Macallin Yuusuf ayaa tilmaamay in arrintaasi loo xil saaray guddi soo baara oo keena xaqiiqda muuqaalkaasi.

“Maadaama muuqaallada qaarkood saraakiishii markaasi qaabilsaneyd baaritaanka ay ka muuqdeen oo muuqaalka uu u muuqdo shaqo joojin ayaa lagu sameeyay bedalidna waa lagu sameeyay oo taliska NISA ayaa bedashay, baaritaankana waa uu soo dhammaan doonaa, oo waxaa baaraya guddi madax bannaan oo ka kala socda wasaaradda Cadaaladda, xuquuqul insaanka iyo amniga, wixii baaritaankaasi kasoo baxana waan arki donnaa” ayuu yiri Afhayeenka.

C/kaamil ma aanu sheegin magacyada saraakiisha shaqada laga joojiyey, darajadooda iyo tiradooda inta ay tahay.

Afhayeenka ayaa sheegay in guddigan ay baari doonaan jiritaanka muuqaalkan inuu yahay mid sax ah ama la isku geeyay, haddii uu jiro muuqaalka xilligee la qaaday, yaase xilligaasi mas’uul ka ahaa howshan waa sida uu afhayeenka hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyn Afhayeenka wasaaradda amniga ayaa ka digay in jir dil loo geysto muwaasin Soomaaliyeed xilliga baaritaanka socdo.

Goobjoog News