U bood dhigaalka

Shaqooyin Leh  Khatar Dhanka Caafimaadkeedka ah

Sheeko:Caafimaadka

In badan oo khubarada caafimaadka ka tirsan waxay isku waafaqsan yihiin iney shaqada adag ee la qabto wakhtiyada aan munaasabka ahayn ay khatar ku yihiin caafimaadka.

Sidaa darteed waxaa jira mihnado badan oo khatar ku ah dadka ka shaqeeya caafimaadkoodana dhibaato ku ah, waxaa ka mid ah;

1- Dhakhtarnimada iyo Shaqaalaha gurmadka degdeg ah.

Khubarada caafimaadku waxay leeyihiin dhakhaatiirta io dadka ka shaqeeya isbitaallada iney yihiin dadka ugu badan ee la kulma daalka faraha badan, niyadjabka, iyo lugo xanuunka,  Wadnaxanuun myocardial infarction.

Ku darso intaa, joogitaankooda wakhtiyada badan ee isbitaallada iyo qeybaha gurmadka degdeg ah iyo dhawaanshiyahooda dhanka dadka xanuunsan, waxay u keeni kartaa iney uga soo gudbaan cudurro farabadan oo khatar ah.

Khubaradu waxay tilmaamayaan in dhakhaatiirtu ay markasta ku mashquulaan iney dajiyaan bukaanka oo dabeecadoodu xumaato inta badan marka ay isbitaallada joogaan; arrinkaas oo u keenaya maali kasta iney la kulmaan cadaadis dhanka nafta ah oo xooggan.

2- Waxbarista

Cilmibaarisyadii ugu dambeeyay ee dhanka macallinmiinta ah iney macallinmintu yihiin dadka ugu badan ee hurda yaraantu qabsato 87% macallimiinta hurdo yari ku dhacdo, 70% uu ku dhaco madax xanuun.

3-Hiliblayaasha

Dadka iibiya hilibka iyo khudaarta ayaa inta badan lafo xanuun la kulma, sabab khuseysa shaqadooda awgeed iyo iney si joogta ah ay hilibka u jarjaraan maalin walba.

4- Tima- Jaraha

Inta badan dadka ka shaqeeya time jarayaasha ayaa ah kuwo xanuun ka dareema dhinacday lugalah iyo kala goysyada iyo waliba laf dhabarta, sabab ku saabsan shaqadooda oo ah mid saacado badan la taagnaanayo.

Tirakoobyadii ugu dambeeyay waxay tilmaamayaan in 30% dadka Timejarayasha ah ay mushkilado joogta ah oo dhanka caafimaadkooda ah uu soo waajaho, halka dhabar xanuun kuna ku badan yahay, 25% oo ka mid ah waxay dareemaan madax xanuun joogto ah.

5- Shaqooyinka Sports-ka

Dadka Sports-ka ku howlan waxay dhibaatooyin kala kulmaan kalagoosyada, iyo murqaha, sababtuna waa shaqooyinka adag oo ay sida joogtada ah u qabtaan, dhibaatooyinka ugu badan waxay kala kulmaan dhanka jilbaha iyo lafdhabarta.

Si kastaba, waxaa jiri kara shaqooyin kale oo caafimaadka khatar ku ah kuwan hadda aan kasoo sheekeynay aad uga khatar badan, sidaa darteed waxaa muhiim ah inaan marka hore ee aan shaqo doonaneyno ama aan kala xulaneyno fursado horteenna yaallan inaan fiiro gaar ah u yeelanno dhanka caafimaadka oo aad muhiim ugu ah noloshaada mustaqbalkeeda.