U bood dhigaalka

Shaqsi Ku Eedeysan In Daacish u Duubi Jiray Muuqaallada Oo Kasoo Muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida

Sheeko:Amniga

Maanta oo Sabti ah waxaa maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalanka sida kasoo muuqday Jaamac Xuseen Xasan oo ku eedeysnaa inuu Daacish u duubi jiray muuqaallada dilalka ah.

Xafiiska xeer ilaalinta ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa soo diyaarisay warbixi9n kooban oo looga hadlayey eedda loo haysto shaqsigan oo la sheegay in Daacish iyo Al-shabaab ka tirsanaa tan iyo sanadkii 2013.

Markii Jaamac lasoo qabanayey ayaa la sheegay in ciidamada ammaanka soo qabteen isaga oo Miino ku aasayey goob ay fariisin ku lahaayeen ciidanka dowladda halkaasi oo loo yaqaan Bood-boodka ee degmada Afgooye, Sh/hoose.

Guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ugu horreyn jaamac weydiiyey jiritaanka dambiyaha loo soo jeediyey iyo in kale.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Jaamac uu qirtay dambigiisa, islamarkaana uu sheegay ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab iyo Daacish.

Sidoo kale, waxay xeer ilaalintu soo bandhigeen qalab ay sheegeen in lagu duubi jiray falalka dilka ah ee Daacish ka geystaan gudaha dalka.

Dhanka kale, qareennada u doodayey eedeysanaya ayaa dhankooda ku doodayey in markii ugu horreeysay ay tahay Jaamac oo lasoo qabto isaga oo faldambiyeed gacanta kula jira, isaga oo aan wax dhib ah geysan, sidaasi darteed waxay dalbadeen in loo naxariisto.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Shuute ayaa soo xiray fadhigii m axkamadda, waxa uuna sheegay in go’aanka kiiskan dib laga soo saari doono.

Goobjoog News