U bood dhigaalka

Shaqsigii Ka Dambeeyey Toogashadii Ka Dhacday New Zealand Oo Maxkamad Kasoo Muuqday

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalla New Zealand ayaa waxaa kasoo muuqday Brenton Tarrant, oo 28 jir ah una dhashay Australia kaasi oo Jimcihii toogasho ku dilay 49 qof oo muslim ah kadib markii uu ugu galay masjid ku yaalla dalkaasi.

Tarrant oo gacmaha ka xiran islamarkaana xiran dharka cad ee maxaabiista ayaa shabaqa maxkamadda kasoo muuqday, waxaana weli aanu qiran falkii uu geystay.

5-ta bisha soo socota ee April ayaa la sheegay in mar kale maxkamadda la keeni doono si loo soo guda galo kiiskiisa.

Ra’iisul wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern waxay sheegtay in shaqsigan laayay dadka muslimiinta ah uu  haystay ruqsad dhanka hubka ah islamarkaana dilkaasi ku fuliyay Afar qori, sidoo kalena wax laga bedali doono sharciyadda hubka.

Dadkii ku dhintey weerarkaasi waxaa ku jiray Afar qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Goobjoog News