Golaha Wasiirada xukuumadda ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa khamiistii meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka iyaga oo isa siiyey awoodda magacaabista iyo ceyrinta Hanti-dhowrka qaranka.
Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka waxaa ku jira arrimo iska hor imaanaya, waxaa ay marka hore ku bilbaabeen 3 qodob oo muhiim ah sida:
1. Xafiiska  Hanti-dhawrka Guud  waxaa  uu  noqonayaa  heer  federal   sida   ku  xusan  114aad Dastuurka  KMG, waxaana uu ka howlgalayaa  dhammaann  dhulka Jamhuuriyadda   Federaalka ah ee Soomaaliya.
 2. Xafiiska  heer  Federaalka   ee  Hanti-dhawrka   Guud  waa  Hay’ad  Madax-bannaan,    waana Hay’adda  ugu  sarreysa   Hanti-dhawrka   Soomaaliya,(wuxuuna    warbixin   siinkaraa     hadii   loo baahdo  Baarlamaanka  JFS,  Madaxweynaha  iyo Ra’iisal  wasaaraha XFS.)
3. Hanti-dhawraha  Guud wuxuu  noqonayaa  Madaxa Xafiiska  heer Federaalka  ee Hanti-dhawrka Guud..
Marka ay sheekada halkaas mareyso ayaa loo gudbey cidda iska leh magacaabista iyo ceyrinta Hanti-dhowrka qaranka, golaha wasiirrada ayaa isa siiyey inay madaxweynaha u soo jeediyaan qofka u sharaxan ama ku haboon jagadan, sidaasi si la mid ah ayey u soo jeedin karaan marka ay u arkaan khatar si ay uga taqasulaan.
Qodobka 17aad ee Xeerka Hanti-dhawrka  ee golaha wasiirrada meel-mariyeen waxaa uu ku saabsan yahay magacaabista Hanti-dhawraha, waxaa ku qoran:
“ lyadoo    la  tixgelinayo  Qodobka  114aad  ee  Dastuurka   KMG ah  ee JFS,  Hanti-dhawraha Guud  ee Federaalka,  waxaa  lagu  magacaabayaa  Xeer  Madaxweynaha  JFS, kaddib  soo- jeedinta  Golaha Wasiirada  Xukuumadda  JFS  si  waafaqsan  Qodobbada  90-aad  (k)  iyo 99aad (g) ee Dastuurka   KMG  ee JFS.
Haddaba, Maxaa ku qoran qodobka 114aad ee la tixgelinayo iyo qodobada 90aad(k) iyo 99(g):
Qodobka 114aad. Xafiisyadda Madaxa Bannaan: Waxaa jiri doona Hey’ado madaxbanaan oo ay yeelanayaan Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, sida Garyaqaanka Guud, Hanti-dhowrka Guud, iyo Bangiga Dhexe oo noqonaya Heer Federaal ah.Â
Qodobbada  90-aad ee awoodaha madaxweynaha xarafka  (k)  waxaa ku qoran sidan: Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu.
Qodobka 99aad. Xilalka Golaha Wasiirrada, xarafka  (g) waxaa ku qoran Magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda;
Dhinaca kale, qodobka 19aad ee xaarka Hanti-dhawrka waxaa uu ka hadlayaa Siyaabaha  uu Xilka ku waayo Hanti-dhawraha  Guud ee Federaalka. Waxaa ku qoran Hanti-dhawraha    Waxaa uu  xilka  ku waayi  karaa  ayadoo  loo  maro qaabkii   uu  ku yimmid ee ku xusan Qodobada  90aad iyo 99aad  ee Dastuurka   KMG,  iyadoo  la raacayo  habraaca ku xusan  Sharciga  Shaqaalaha    Rayidka  ah ee Dowladda.
Faragelinta xukuumadda federeaalka ah ee magacaabista iyo ceyrinta Hanti-dhawrka waa arrimo u baahan in dib loogu noqdo, waxaa intaas dheer waxa ay ka hor imaaneysaa mas’uuliyadaha Hanti-dhawrka sida:
b) lnuu ku Sameeyo  Hay’adaha   Hay’adaha   Dowladda   baaris   maaliyadeed,    qiimeynta   ku dhaqankooda  nidaamka  Xisaabaadka  iyo habraacyada  loogu  talagalay,   Waxqabadka   iyo baarista  kale  ee  la  xariirta   dhammaan  xisaabaadka   Guud  ee  Dawladda,    lacagaha, hay’adaha   Dawladda,    Mashaariicda,    barnaamijyada,     Shirkadaha   Dawladdu   leedahay ama  ay  qayb  ku  leedahay  iyo  dhammaan   hay’adaha   la  midka   ah  ee  Xukuumadda Jamhuuriyadda   Federaalka  Soomaaliya.
t) Waxaa  uu  Baarayaa   dhammaan   xisaabaadka   ama  Akoonada  Dawladda,  Maaliyadda, Mashaariicda,    barnaamijyada,        iyo  hay’adaha    kale    ee  Dawladda,  Shirkadaha     ay Dawladdu  leedahay  iyo hay’adaha  la midka  ah ee DFS;
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waa inuu ilaaliyaa sharciga, dhismaha hey’adaha dastuuriga ah iyo kala madaxbannaanidooda. Xukuumaddan waxaa ay shaqo la’aan ka dhigtay baarlamaanka 10aad, sidoo kale waxaa ay faro-gelin ku heysaa  guddiyadii madaxabannaanaa, marka inay ku darto Hanti-dhawrka waa dhibaato qaran.
Goobjoog News