Sharciga Hub ka dhigista Somaliland Oo Noqday Horseedaha Xasilloonida Maamulka

Xildhibaan Maxamed Axmed Obsiiye oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay taariikhda Sharci dejinta Somaliland, isagoo si gaar ah hoosta uga xariiqay in xeerka Somaliland ay ku faantaa yahay xakameynta iyo Xeerka xakameynta Hub iyo Saanadda oo soo baxay sanadkii 1995.

Taariikhda  labada Aqal ee Wakiilada Soomaaliland

Ugu horreyn xildhibaanku waxa uu ka hadlay taariikhda wakiilada labada Aqal ee Somaliland, waxaanuu yiri; Golaha wakiillada waxaa ka horreyay Guurtida oo ahaa kuwii ugu horreyay ee shacabka matala, dowrkii ugu muhiimsanaa ay qaateen waxay ahayd 1993-dii markii la doortay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal-Alle ha u naxariistee- ee Burco lagu Doortay kaalintaasi sidii la rabay ayay u dhacday waxaana daadihinayay shirkaas golaha guurtida oo ahaa golaha sharciyeysan ee barigaas.

Madaxweyne Cigaal waxaa loo igmaday inuu laba sanno gudahood uu ku dhiso dowlad tiirarkeedu u dhameys tiran yahay oo nidaam siyaasi ah, dastuur iyo axsaab siyaasi ah oo loo baahnaa in uu dalku ku tisqaado ayaa loo xilsaaray, waana bilowgii aasaaska Somaliland, waxaanuu madaxweynuhu xilligaas ahaa kumeel gaadh.

Waxaa haddana Cigaal mar kale loogu celiyay 1997-dii, waxa uu soo dejiyay dastuurkii oo ay shacabku ku ansixiyeen 97%, oo ay ku qornaayeen in Somaliland goonni isku taagto, in nidaamka demuqraadiga ah ay qaadato, in ay axsaab badan yeelato, gole wasiirro sameyso, in gole sharci dejin ah yeelato, markaas ayaa la aasaasay golihii wakiilada oo markaa ku saleysneyd hab beeleed.

Wax Qabadkii Ugu Muhiimsanaa ee Wakiillada Soomaaliland

Wax qabadkii ugu muhiimsanaa ee golaha wakiiladu waxa uu noqday xeerka hubka dhigista oo sal u ahaa nabadgalyada iyo xasilloonida Somaliland, kaas oo loo yaqaano xeer no.17 oo soo baxay sanadkii 1995-tii , waana markii ay qabaa’ilkii oo dhani hubka dhiibeen ee dowladda u dhiibeen, dowladiina ay ciidan yeelatay, seddexdii ciidan ee qaranna la dhisay, wakiiladu iyagaa xeerka sharciyeeyay waxaanuu ahaa saldhigga dowladinimo ee Somaliland.

-2005 ayaa doorasho rasmi ah loo dareeray shacabkuna uu doortay 81 xubnood, loogana baxay habkii qabiilka, iyadoo xubnaha cusub doorashadooda loo eegay qaab gobol oo saami qeybsi dhanka gobollada ah loo sameeyay, gobol walbaana tiro gaar ah la siiyay, mudada Dastuuriga ah ee ay haysteen waxay ahayd 5-saano.

-2010 sanad kale oo isbaddal uu yimid isla markaan uu xukunka dalka la wareegay xisbi cusub ee Kulmiye, intii ka horreysayna waxaa dalka maamulayay xisbiga Udub, waxayaabaha ugu muhiimsan ee dhaawaca u keenay doorashooyinka Somaliland waa gobollada Bari oo illaa iyo hadda aaney ka dhicin doorasho iyo diiwaan galin rasmi ah, marwalbaana waa carqalad iyo caqabad hortaagan in la helo doorashooyin rasmi ah, dadka degen gobolada Bari waxay ku soo galaan doorasho dadban oo dhanka xisbiyada ah.

Dastuurka iyo goleyaasha Sharci Dejinta Soomaaliland

Golaha wakiilladu Waa gole sharci dejin ah, Sharciyada loo keeno ayuu meel mariyaa, madaxweynahana u gudbiyaa, sharciga loo keenayaana sadex waddo ayuu soo mari karaa, Madaxweynaha oo golihiisa wasiirada soo mariyay waana intabadan meesha rasmiga ah ee uu ka yimaaddo, markaa sharciga waxaa loo bandhigaa guddii baarlamaanka ee ku shaqada lahaa, iyadoo baarlamaanka Soomaliland uu ka kooban yahay 8 guddi, oo leh wasaarado la shaqeeya, guddiga marka sharciga gacanta loo geliyo wuu soo lafa gurayaa golaha ayuu dib ugu soo celinayaa isagoo soo jeedin wata, in xeerka la ansixiyo ama la lafa guro, taasi waxay keenaysaa marka dambe in gole weynuhu ka doodo, kadibna waa loo codeynayaa, codeynta marka la dhameeyana madaxweynaha ayaa dib loogu celinayaa isagaa saxiixaya, marka uu saxiixo oo faafinta rasmiga ah lagu soo saaro dhaqan gal buu noqonayaa, waana habka koowaad, waana habka ugu badan ee shuruucda lagu hirgeliyo.

Wadada labaad sharciga waxa uu ka iman karaa golaha wakiillada iyagaa curinaya, mooshin ayaana lagu keeni karaa 11 xildhibaan ay soo saxiixayaan, marka la aqbalo doodiisa ayaa la galayaa, marka laga doodo, oo la lafaguro sidii kii hore, codbaa loo qaadayaa, hadduu helo cod aqlabiyad ay sharci buu noqonayaa madaxweynaha ayaa loo gudbinayaa, marka uu saxiixana sharci buu noqonayaa.

Wadada seddexaadna waa 5000 oo muwaadiniin ah haddey xeer soo dhigaan oo saxeexaan, xeerkaas isagana guluhu wuu u fariisanayaa, waana ka baaraaan degayaa, hadii uu ansixiyana wuu ansaxayaa, wadadan sedaxaad wali kamey dhicin Somaliland, laakiin dastuurka ayay ku qoran tahay oo waa waddo sax ah.

Wada Shaqeynta labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada Somaliland

Guurtida sharci kasta oo soomara golaha wakiillada iyaga ayaa loo gubinayaa, kadibna way lafa gurayaan oo wax ku daris iyo ka dhimis ayay sameynayaan, kadib sharcigii waxaa dib loogu soo celinayaa golaha wakiilada oo mar kale u codeynaya iney sidii hore ay ku meel mariyaan ama ay qaataan qaabka cusub ee golaha guurtida.

Waxaa jira shirar dastuurka ku qoran oo si wada jir ah fadhiyada loo qabaneyo, waxaa kamid ah khudbadda sanadlaha ee Madaxweynaha, hadii uu dalku galayo xaalad degdeg ah.

Guurtida waxaa gaar u ah , dhaqanka, Diinta iyo Amniga.

-Wakiiladana waxaa gaar u ah, Magacabista wasiirada Ansixintooda, dhaqaalah wixii dhaqaale ku saabsan looma gudbiyo golaha guurtida, go’aanka ugu dambeeya ee sharciyadana iyagaa iska leh.

Ugu danbeyn waxa uu xildhibaan  Maxamed Axmed Obsiiye uu xusay in guud ahaan abaaro ba’ani ay ka jiraan Somaliland isla markaana waxii karaan kooda ah ay ka qabanayaan, laakiin loo baahan yahay in Alle ka cabsiga iyo baryadiisa la badiyo, waxa uuna hadalkiisa kusoo afjaray in Somaliland doorashadeeda loo ballan san yahay 2017 in la galo doorashada Madaxtinimo iyo tii wakiilada labadaba.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW