U bood dhigaalka

Akhriso: Sharciga Siyaasadda Qaran ee Genderka Iyo Heshiiska CEDAW Ee Ay Culimada Soomaaliyeed Diideen

Sheeko:Dalka

Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hortimid sharciga siyaasadda qaran ee Genderka ee Wasaaradda Haweenka iyo heshiiska CEDAW ee qaramada Midoobey.

Sheekh Bashir Axmed Salaad oo saxaafadda la hadlayey ayaa si weyn uga soo horjeestay sharciga siyaasadda qaran ee Genderka oo ay wasiirrada u soo  gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumada Soomaaliya

Sheekh Bashiir waxaa uu cadeeyay in wasaaradda ay sheegtay in la saxiixo heshiiska (CEDAW) oo ah mid ka hor imaanaya diinta Islaamka sida in haweenka is guuriyaan, xuquuqdana ay la siinaadaan ragga.

Wasaaradda Haweenka waxaa ay qoraalka siyaasadda qaranka ku sheegtay “ Waxaa lagama maarmaan ah in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay saxiixdo dhamaan sharuucaha caalimga ah iyo kuwa heer gobol sida kan ciribtirka hayb sooca ka dhanka ah haweenka (CEDAW), heshiiska xuquuqul insaanka Afrika (ACHPR) heshiiskii xuquuqda dadka iyo haweenka 2003 ( the Mabuto pratocol), heshiiskii Solemn ee sinaanta labka iyo dhedigga ee Afrika (SDGEA), heshiiskii ka hortaga cadaadiska iyo faraxumeynta ka dhanka ah haweenka iyo caruurta , mabaa’didii talaabooyinka Beijing iyo qaraaradii qaramada midoobey oo tirsigoodu ahaa 1325 iyo 1820”

Hadada qodobka uu Sheekh Bashiir ka hadlay heeshiiska CEDAW ayaan idiin soo gudbineynaa: Heshiiskan waxaa ay qaramada Midoobey meel marisay December 18, 1979kii, waxaa uu ka kooban yahay ilaa 30 qodob.

Qodobka 16-aad:  Qodobka Heshiiskan CEDAW waxaa uu ka hadlayaa Guurka iyo Xiriirka Qoyska, waxaana ka mid ahaa in haweenka iyo ragga ay u siman yihiin:

Xaqqa iyo go’aanka guursashada.

In ay leeyihiyihiin xuquuq isla mid ah go’aanka isla joogista iyo furiinka.

In Caruurta ay ku leeyihiin xuquuq isku mid, Oo Weliba haweenka la rajaxayo.

In ay isku xuquuq ka yihiin inta caruur ee la dhalayo iyo waqtiga la dhalayo.

In ay u simman yihiin daryeelka iyo heysmada caruurta.

In ay ka simman yihiin doorashada Magaca qoyska, shaqada iyo wixii la mid ah.

In ay ka simman yihiin lahaashiyaha hanta ma guurto ah iyo isticmaalkooda.

Caruurta yaraanta la isku siiyo ama lagu guursado, ma aha mid jira, waa in dowladaha sameeyaan sharciyo da’da guurka.

Hadaba Heshiiska CEDAW ee ay Culimada Soomaaliyeed diideen waa kan:

Heshiiska CEDAW oo ku qoran English: Full text of the Convention in English

Heshiiska CEDAW oo ku qoran Carabic: CEDAW ARABIC

Dhinaca kale, Sheekh Bashiir waxaa uu dhaliilay in siyaasadda qaran ee Genderka ay ogolaaneyso in gabadhaha aan la gudin.

Qoraalka dowladda waxaa uu u qoran yahay: Gudniinka fircooniga ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay wadamada aadka looga isticmaalo ayaa dowlada Soomaaliya golaheeda wasiiradda faderaal ay meelmariyeen bishii December 2015 siyaasadda qaran ee ka hortaga gudniinka fircooniga kaasoo ay soo diyaarisey wasaaradda Haweenka iyo Horumarina Xuquuqda Aadanaha oo markii hore u soo diyarisey qaab ahaa guud ahaan baabi’inta gudniinka gabdhaha hase ahaatee ay xukuumadu ugu dambeyntii ugu codeysey meelmarintiisa baabi’inta gudniinka fircooniga iyagoo baneeyey gudniinka suniga sida ay ku ansixiyeen siyaasada qaranee gudniinka gabdhaha. Dowlada Soomaaliya waxaa waajib ku ah in siyaasadda qaran ee gudniinka gabdhaha ay dib u eegis ku sameyso si ay u mamnuucdo dhamaan nuucyada gudniinka.

Ugu dambentii waxaa uu Sheekh Bashiir sheegay in da’da guurka uu sharcigan ku talinayo in la dhigo 18 taas oo ka hor imaaneysa diinta Islaamka.

Goobjoog News waxaa ay idiin soo gudbineysaa qorshaha siyaasadda qaran ee Genderka ay wasaaradda soo gudbisay ee culimada ay ka qeyliyeen.

Akhriso:

[documentcloud url=”http://www.documentcloud.org/documents/2928428-Siyaasadda.html” pdf=false]

Goobjoog News