U bood dhigaalka

Sharciga Waxbarashada Dalka Oo Dhawaan Ka Bixi Doona Qabyo Qoraalka

Sheeko:Dalka

Wasaarada Waxbarashada Xukuumada Federaalka Soomaalia ayaa sheegtay in Dhawaan ay soo saari doonto Sharciga Waxbarashada Dalka, ka dib markii shalay magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeyay  Shirka wada tashiga Manhajka qaran

Wasiirka wasaaradaasi waxbarashada Khadro Bashiir Cali ayaa sheegtay in  Sharciga wax badan uu ka tari doono hanaanka waxbarasho ee Dalka.

Wasiirka ayaa sheegtay loo baahan yahay in la helo manjah mid ah, sidoo kalena soo saara arday aqoontooda sarreysa, dalkana wax u tara.

“Sharciga waxbarashada markii uu soo baxo, lana ansixiyo aqoonta wax badan baa iska bedali doona, hadda qabyo qoraal buu noogu jiraa, sidoo kale siyaasaddii waxbarashada iyana waa sidaas, marka waxaa la heli doonaa waxbrasho mid ah” ayeey tiri wasiir Khadra.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Khadro Bashiir Cali ayaa mar ay ka hadleysa iskuulada dowladda hoostaga ayaa waxay tilmaantay inay yihiin 80 iskuul hoose dhexe, iyo sidoo kale 5 dugsi sare, sanadkaanna Laba dugsi kale ay sanadkaan dhisi doonaan.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegtay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay tahay inay ku dadaalaan waxbarashada, Dastuurka dalkana uu qorayo inay helaan waxbarasho buuxda.

IMG_4419 IMG_4464 IMG_4552 IMG_4552 IMG_4554

Goobjoog News