U bood dhigaalka

Sharciyaqaan: Mursal Awood Uma Laha Inuu Xildhibaanno Ka Joojiyo Kullamada Golaha Shacabka

Sheeko:Amniga

Guddoomiyahii Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaday ayaa 27/03/2021 soo saaray go’aanka summadiisu tahay GSH 362/B-12/21, go’aankaas oo ujeeddadiisu ahayd ka joojin ka qaybgal fadhi, Nuxurkiisuna ahaa in 15 mudane oo golaha ka mid ah laga joojiyay ka qaybgalka fadhiyada golaha shacabka.

Haddaba, Mursal, ma u heystaa sharciyad inuu Xildhibaannada sida uu rabo ka yeesho ama uu ka joojiyo kulamada?!

Abuukaate Carab oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay in ugu horeyn hay’ada dawladda oo dhan iyo madaxda qarankuba ay tahy inay u hogaansamaan shuruucda dalka oo dastuurku ugu horreeyo, sidoo kalane sharcigu waa in uu ahaadaa hagaha qaybaha Dawladda oo dhan sida uu jiddaynaayo qoddobka 4aad Ee Dastuurka FKMG gaar ahaan farqadiisa 1aad.

Isaga oo intaa raaciyey “Si taa la mid ah, go’aammada ka soo fula maamullada dawladda iyo hay’adaheedaba waa inay ahaadaan kuwo ku dhisan sharci, maangalna ah, go’aan-ka-gaaristoodana loo maray hannaan caaddil ah, sida lagu jideeyay qoddobka 32aad ee Dastuurka FKMG”.

Mar uu ka hadlay awoodaha guddoomiyaha golaha shacabka waxaa sheegay in aanu jirin qodob u ogolaanaya inuu talaabo shaqo joojin ah Xildhibaannada ku sameeyo“ Awoodaha iyo xilalka guddoomiyaha golaha shacabka waxaa lagu qeexay qoddobada 14aad iyo 16aad ee Xeer-hoosaaska golaha , mana ku jiro hal qoddob oo guddoomiyaha awood u siinaaya in uu qaado tallaab noocaas ah, annaga oo maanka ku hayna in awood kasta oo mas’uul leeyahay ay lama huraantahay inay si cad ugu qeexantahay sharciga.

Sida lagu jideeyay farqadda 2aad ee qoddobka 50aad ee Xeer-hoosaadka golaha shacabka, haddii tallaab laga qaadaayo xubin ka tirsan golaha waa in uu soo jeediyaa guddiga xeer-hoosaadka, daryeelka, anshaxa iyo xasaanadda, farqadaas xarafkeeda(E) wuxuu u qoranyahay sidaan “Guddigan wuxuu talo bixin ka jeediyaa, arrimaha la xariira tallabooyinka anshax marinta ee laga qaadaayo xubin ka tirsan Golaha Shacabka, sababo ay kamid yihiin anshax xumo ama ku xad-gudubka Xeer Hoosaadka Golaha”. Ayuu yiri Abuukaate Daahir Carab.

 

Ugu dambeyntii, waxaa uu Daahir Carab kusoo gabagabeeyey hadalkiisa in go’aan kasta oo aan ku imaan habraacyada la soo tilmaamay wuxuu noqonayaa mid baalmarsan sharciga, gaar ahaan dastuurka iyo Xeer-hoosaadka golaha shacabka.