U bood dhigaalka

Sharif Xasan: Dowladda Dhexe Dhibaato Badan Kuma Heyso Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Sharif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed oo maanta ka hadlay furitaanka shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in dhib laga abuuro Galmudug.

Madaxweyne Sharif oo arrinkaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Galmudug in la dhibaateeyo sax ma aha, Galmudug sidii lagu dhisay waa la ogyahay oo is-jiid-jiidkii iyo dhibaatooyinkii ka dhacay, wixii ka dhaxeeyey Puntland iyo Galmudug maalintaas, wixii maalintaas ka dhaxeeyey Ahlu sunna iyo Galmudug, haddii intaas inta la dhameeyey, dhibaato kale la abuuro, waa nasiib darro, waxaan ugu baaqeynaa in arrintaas laga waantoobo”.

Dhinaca kale, Mr. Sharif mar uu ka hadlyey amniga wuxuu yiri “Dhinaca amniga waa la sheegay, in badan ayaan ku celcelinay, Shabaab dhibaatooyin badan ayuu dalku ku hayaa, marka waxaa noo muuqata in dowladda dhexe aysan arrinkaas dhibaato badan ku heynin Shabaab in lala diriro, haddii Shabaab lal diriri waayana umadda Soomaaliyeed dhibaato kama baxayaan’.

Shirkan oo ka socda ayaa lagu wadaa inuu ka soo bixi-doono war-murtiyeed ka adag midkii Kismaayo, iyaga oo ka war sugaya sida ay dowladda uga jabaato fariinta aqalka sare.

Goobjoog News