U bood dhigaalka

Sharif Xasan Sheekh Aadan oo Qarax ka Badbaaday

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamul goboleedka KMG ah ee Koofur Galbeed ayaa qarax ka badbaaday kadib markii miino lagula eegtay inta u dhaxeyso Carbiska iyo Afgooye xilli uu kusoo jeeday magaalada Muqdishu.

Shariif Xasan ayaa la sheegayaa in uu la badbaaday qaraxa, iyagoo sidoo kale aanay waxba soo gaarin mas’uuliyiintii la socotay.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed, C/qaadir Maxamed Cashar (Nadaara) oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Aden uu bad qabo isagoo beeniyay in qaraxa uu gaariga haleelay.