U bood dhigaalka

Shariif Rooboow “Ma sahalana in xilligaan la’isu dhafo ciidamada Jubba iyo kuwa dowladda” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Shariif Xuseen Rooboow oo ah qabiir dhanka amaanka ah ayaa sheegay in xilligaan aysan sahlaneen in la’isku dhafo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka KMG ee Jubba, ka dib arimo uu sheegay in horay ciidamadaasi usoo dhex mareen.

Xilligaan waxa uu sheegay in aanu Federaalka dhaqan galin, islamarkaana ciidamada hadii la’isku dhafaayo ay u baahan yihiin tababaro wanaagsan, in ay is dhex gali karaan, islamarkaana aanu wax cuqdad ah isku qabin.

Waxa uu sheegay in aysan sahlanaan doonin ciidamadaasi oo meel la wada geeyo, sidoo kalena dowladda looga baahan yahay in marka hore ciidamadii dagaalamay la’isku keeno la siiyo tababar guud, meeshana laga saaro qabiilaysiga.

Si hiigsiga ah isku dhafka ciidamadaan loo gaaro ayuu sheegay in ay u baahan tahay qarash aad u badan, sidoo kalena ciidamada ay noqdaan kuwo qaran, laakiin dowladda ay taasi ku noqon doonto culeys aad u badan.

Dhinaca kale Shriif Rooboow ayaa sheegay in heshiiskii 15-kii bishaan magaalada Kismaayo ku gaareen wasiiro ka socday dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamulka KMG ee Jubba, in uu yahay heshiis culeys badan leh, sidoo kalena waxyaabaha lagu heshiiyay fulintooda ay u baahan tahay aragti dheer iyo siyaasad adag.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga.

Goobjoog News