U bood dhigaalka

Shariif Roobow “Bartilmaameedyada Hoteelada Waa Cabsi Gelinta Dowladda”

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Shariif Roobow oo ah qabiir dhanka amniga ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho uu yahay mid Al-shabaab ay ku muujinayaan in weli awoodooda ay nooshahay, sidoo kalena lagu cabsi gelinayo saraakiisha dowladda.

Waxa uu tilmaamay in Al-shabaab uljeedka ugu weyn ee ay u eeganayaan Hoteelada Muqdisho ay tahay bartilmaameed fudud, sidoo kalena ay dadka ku cabsi gelinayaan.

“Bartilmaameedyada Hoteelada ee Shabaab waa cabsi gelinta saraakiisha dowladda, midda kale hoteelada ulajeedka ay u weerarayaan ayaa ah bartilmaameed fudud” ayuu yiri Shariif Roobow.

Dhinaca kale aqoonyahankaan ayaa sheegay in xilligaan aanay amniga magaalada Muqdisho sugeyn wadooyinka magaalada Muqdisho oo la xiro, balse loo baahan yahay in qaabka nabad sugidda wax laga bedalo.

Xarakada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu Jirta.

Goobjoog News