U bood dhigaalka

Shariif Sheekh Axmed Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka, Dhaliilna U Jeediyay Dowladda

Sheeko:Amniga

Shariif Sheekh Axmed guddooomiyaha madasha Xisbiyada qaran ayaa maalinimadii shalay oo jimco aheyd si guud uga hadlay xaaladda  dalka isaga oo xusay in dadka Soomaaliyeed hadda ay u baahan yihiin sharci, cadaalad iyo kala dambeyn.

Ugu horen guddoomiyaha  ayaa tilmaamay in dowladnimadii dalka laga weeciyey halkii loo baahnaa in loo wado, waxaana uu sheegay in laga aamusana aysan  macquul aheyn.

“Dowladnimadii oo wadadeedii ka leexatay ma haboon tahay inaan ka aamusno, maya ma’ haboona, dowladnimda waan jecelnahay lakiin waxaan ka sii jecel nahay sharciga, sharcigana waxaan ka sii jecel nahay cadaaladda, diinta Allah waxaa uu u soo dejiyey waa cadaalad, haddii aan cadli la sameyneen maxaa laga faa’idayaa barashada diinta” ayuu yiri guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran.

Sidoo kale guddoomiye Shariif oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in dowladnimadu tahay wax lawada leeyahay kana weyn wax labo ama sedex qof ay maamulayaan waxaana uu yiri.

“Dowladnimadu waa ka weyn tahay wax mugdi lagu haayo, dowladnimadu waa ka weyn tahay wax sedex qof og yihiin, dowladnimo waa wax dadka ka dhexeeyo,dowlanimada, sharciga iyo Demukhuraadiyadda waa midda keentay in la is  doorto oo midka kursi hayo uu ka tago oo nin cusub oo la doortay uu yimaado  masidaas ayaa fiican mise in uu yiraahdo aniga ima dhaafto”

Dhanka kale guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay wax qabadka dowladda federaalka sedexdii sano ee u soo  idlaatay tan iyo markii talada dalka ay la wareegtay.

“Dowladdu Canshuur ayey qaadaa magaca dalka ayey wax ku soo qaadaa magacii dadka ayey mataleysaa, amniga, arrimaha bulshada, siyaasadda maxey ka qabatay, mise waxaa ay aaminsan tahay in iyadu hoggaamiye tahay dadkuna taabiciyiin u yihiin, maya, dowladdu waa shaqale annaga ayaa doranay annaga ayey nooshaqeysaa” ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed.

Ugu dambeyn Shariif Sheikh Axmed guddoomiyaha madasha sxisbiyada qaran ee dalka ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dalka in iyagu ilaaliyaan sharciga, waxaana uu madaxda dalka ku dhaliilay in shaqadoodii ay ku soo koobeen baraha bulshada iyo iyaga oo aan dooneyn in  bulshada ay horyimaadaan oo ay la hadlaan.

“Kursiga in laguu doorto waa shey dadku ay u siman yihiin  nasiibka ayaa kuu galay waa lagugu soo dhaweeyey lakiin ku dhaqan sharciga, markii wax lagaa sheego meelo mugdiya hamarin ee banaanka imoow ,haddii lagu fikiraayo in dalka lagu xukumi karo Facebook iyo cajalado la jarjaray u maleyn maayo in ay sax tahay arrintaas, Cajalado la jarjaray wiilal Facebook ha aadine dadka hor imow oo wax u sheeg waan ku dhageysaneynaa.ayuu hadalkiisa ku soo gaban gabeeyey Shsriif Sheikh Axmed.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa ku soo aadaya iyada oo madaxweynaha dalka uu saxiixay sharciga doorashooyinka.

Goobjoog News