U bood dhigaalka

Shariif Xasan “Ciddii Tabasho Qabta Waan La Hadlaynaa”

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in uu qanciyo cid kasta oo tabasho ka qabta arrimaha doorashooyinka aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya kuwaasoo ka soconaya xarunta maamulkaasi KMG ah ee Baydhabo.

Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay doonayaan in degaannada Koonfur Galbeed ay dhammaan doorashooyinkooda ay noqdaan kuwa lagu qanco dadkuna si wanaagsan oo kala dambeyn leh oo sharci ah loogu shaqeeyo.

Hoggaamiye Shariif Xasan ayaa sheegay in doorashooyinka aqalka hoose ee Baydhabo ka socda ay ku socdaan sidii loo baahnaa balse ay jiraan caqabado ka jira in ergada gobolka Shabeellaha Hoose aysan weli imaan magaalada Baydbabo.

“Cid kasta oo cabasho ka ah doorashooyinka waa la fariisanaynaa maamul ahaan waxaan diyaar u nahay inaan ka qancinno arrintaasi” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Xasan.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socda doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya shalay oo ay u dambeysayna waxaa la doortay xubno ay haween ku jiraan taasoo ka dhigan in la muujinayo qoondada dumarka ee 30%.

Goobjoog News