U bood dhigaalka

Shariif Xasan “Isbedal Amni Oo Degdeg Ah Ayaa Ka Dhici Doona Marka”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado qorshe ballaaran oo lagu soo celinayo ammaanka magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose.

Waxa uu sheegay Shariif Xasan in ay dhameystiri doonaan maamulka magaalada Marka, sidoo kalena magaaladaasi la geyn doono ciidamo amniga xaqiijiya.

Shariif Xasan ayaa tilmaamay in uu ka xun yahay dhibaatada shacabka kasoo gaartay falal ay AMISOM ka geysteen magaalada Marka, waxaana uu tilmaamay in hadda wixii dhacay laga wada hadlayo.

“Isbedal Amni oo degdeg ah ayaa ka dhici doona magaalada Marka, waxaan ka xunnahay wixii shacabka horay usoo gaaray, laakiinse maamulka Marka ayaa la dhameystiri doonaa, sidoo kalena magaalada oo dhan waxaan keenni donnaa ciidamo amniga suga” ayuu yir Shariif Xasan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa safar ku maraya deeganano ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, xilli amni darro baahsan ay gobalkaasi ka taagan tahay.

Goobjoog News