U bood dhigaalka

Shariif Xasan Oo Amray In La Xiro Cid Walbo Oo Ku Lug Leh Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Baydhabo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor dhow wuxuu ka hadalay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Shariif Xasan ayaa ugu horreyn tacsi ka diray dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay dagaalladaasi, wuxuuna sheegay inuu aad uga xunyahay.

Waxa uu faray ciidamada dowladda Federaalka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay xabsiga kusoo dhigaan cid walbo oo ku lug leh dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo durba ciidanka ay howlgallo wadaan.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka wada tirsan maamulka K/galbeed ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana dagaalkaasi ku dhintey 17 ruux oo 13 kamid ah yihiin shacab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News