U bood dhigaalka

Shariif Xasan OO Baaq u Direy Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka codsaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in la abaalmariyo dhammaan ciidamada dowladda ee ka shaqeynaya howlaha sugista amniga doorashada.

Waxa uu sheegay Shariif Xasan in ciidamada ka shaqeynaya doorashooyinka ay shaqooyin adag qabteen, sidaasi darteed ay mudan yihiin in min Hal darajo la dalacsiiyo.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale ugu baaqay wadamada ay ciidamada ka joogaan AMISOM iyaguna sidaasi oo kale in ciidamadooda ku abaalmariyaan howlaha muhiimka ah ee ay dalka ka qabteen waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Madaxweynaha waxaan ka codsaneynaa in askari walbo oo ka shaqeynayey howlaha doorashooyinka uu darajo darajo u dalacsiiyo, kuwa Koonfur Galbeedna annaga ayaa dalacsiineyna, walaalaheena AMISOM iyagana sidoo kale dowladahooda waxaan ka codsaneynaa in iyagana la dalacsiiyo, xaaladda maanta lagu jiro waxaan rajeyneynaa in horey looga sii socon doono, waqti dhow ma dhicin in shaqsi Soomaali ah sidan oo kale loo doorto” ayuu yiri Shariif Xasan.

Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalada Baydhabo waxaa dhowaan lagu soo gabagabeeyey doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoog News