Shariif Xasan Oo Balanqaadey Wax Ka Qabashada Abaarta K/galbeed

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa balanqaadey wax ka qabashada abaarta ka jirta gobollada Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan ayaa booqasho maanta oo Isniin ahayd ku tagey xeryo dadka soo barakacay oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi uu kula kulmay dad badan oo kasoo barakacay abaaraha ka jira qaar kamid ah gobollada dalka.

Waxa uu tilmaamay Shariif iney ku dadaali doonaan wax u qabashada dadkan, sidoo kalena ay gaari doonaan deegaannada abaarta xooggan ay ka jirto.

Dhanka kale Shariif Xasan ayaa booqasho ku tagey Isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo halkaasi oo ay jiifaan dad uu soo ritey cudurka shuban Biyoodka.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in maamulka K/galbeed uu diyaar u yahay in wixii ay awoodaan ay ka saacidaan Isbitaalka oo dawo la’aan baahsan ay ka jirto.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW